Wax ka barro xiddigihii fiicnaa ee United iska iibisay

Manchester United, oo ka dhisan horyaalka Ingiriiska, ayaa iska iibisay xiddigo wax badan kusoo kordhin karay haddaba aynu wax ka barrano laacibiintaasi:-

1-Michael Keane oo ka mid noqday naadiga Burnley, waxa ay ku lumisay adduun dhan labbo milyan oo ginni.

2-Angel di Maria, oo waqti yar la joogay ayey go’aansadeen inay ka iibiyaan PSG sannadkii 2015, waxanna ay ka siisteen 45.7 milyan oo ginni.

3-Javier Hernandez, oo gooldhaliye weyn ka noqday kooxda ayaa laga iibiyay Bayer Leverkusen sannadkii 2014, waxanna ay ku iibisay 7.3 milyan oo ginni.

4-Patrice Evra, ayaa ugu dambeyn waxa ay kooxdiisa dirtay isagoo sii cayaari karo, waxaa laga iibiyay Juventus sannadkii 2014, kooxda Talyaaniga ayaa laacibkan ku heshay beeca xorta ah.

5- Danny Welbeck, ayaa laga iibiyay Arsenal sannadkii 2014, waxanna lagu iibiyay 16 milyan oo ginni.

6- Jonny Evans, oo ah daafac dhallinyaro ah ayaa ugu dambeyn laga iibiyay West Bromwich sannadkii 2015, waxaanna lagu qaatay 8 milyan oo ginni.

7- Paul Pogba, ayaa isagoo aad u da’yar sannadkii 2012-kii waxaa beeca xorta ah ku qaadatay kooxda Juventus. Inkastoo hadda ay lacago badan kusoo iibsadeen.

8- Gerard Pique, ayaa isna laga iibiyay sannadkii 2008 kooxda Barcelona, iyadoo lagu fasaxay 4 milyan oo ginni, hadda waxa uu ka mid yahay daafacyada ay ku duusho kooxda Barca.

9- Giuseppe Rossi, oo u dhashay Talyaaniga ayaa laga iibiyay Villarreal, sannadkii 2007, inkastoo aan la oggaan lacagaha waqtigaas lagu iibiyay.

10- Diego Forlan, oo aan aragnay saameynta uu yeeshay ayey United si fudud isku dhaafisay kooxda Villarreal ayaa sannadkii 2004 waxaa looga iibiyay lacag dhan 2 milyan oo ginni.

11- Jaap Stam, ayaa ahaa nin waayo-arag ah ayaa ugu dambeyn laga iibiyay Lazio sannadkii 2001, waxanna lagu qaatay adduun dhan 16.5 milyan oo ginni.