Gabar Xijaaban oo loo magacaabay Amiirada quruxda sanadka Magaalada Portland (Daawo Sawirada)

Biftu Amin oo dhigata fasalka 12-aad ee dugsiga saree e Cleveland High School oo ku yaala magaalada Portland gobollka Oregon ayaa waxaa loo caleemasaaray in ay noqoto amiirada quruxda sanadka ee magalaada Portland ee gobolka Oregon, Biftu ayaa markii magaceeda lagu dhawaaqay iyadoo dhoolacadeyneysaa u soo dhaqaaqday dhankii xiriiriyaha barnaamijka iyadoo madaxa loo suray taajka, Biftu waxa ay xirnayd, Qimaar gaduudan(Xijaab) iyo saako madow oo aad u asturan.

Biftu ayaa waxa ay wax ka aasaastay kana soo noqotay madaxweyne midowga ardada madowga ah ee dugsiga ay dhigato ee Cleveland High School, iyo walliba isbahaysi la magac baxay sinaanta Jinsiga. Biftu ayaa ku dhalatay wadanka Itoobiya waxaana la dhalatay sideed, waxa ayna qorsheynaysaa in ay aado Jamaacad kadib marka ay ka qalinjibiso dugsiga sare oo ay doonayso sharicga iyo dhaqaalaha.

Biftu Amin oo dhigata fasalka 12-aad ee dugsiga sare waxa ay si mutadawacnimo ah uga shaqayneysey Masjid Al Furqan oo ku yaala dariiqa MLK Boulevard ee magaalada Portland, Oregon, laga soo bilaabo xilligii ay dhiganeysay fasalka 8-daad ee dugsiga dhexe ilaa waqti xaadirkan. Biftu Amin ayaa waxaa xoogaa saartaa sidii ay carruurta da’dooda u dhaxeyso 8 sano ilaa 13-ka sano ugu xermi lahaayeen masaajidka, iyadoona ku dheerigellisa in ay mar walba ku faanaan xerashada xijaabka ayna dhagaha ka furaystaa hadalada naceybka ah ee loogu geynsanaayo xerashada xijaabka.

Biftu ayada oo ka hadlaysaa waxyaabaha ay qabato xilliga ay sida mutadawacnimada ah ay ugu shaqeyso masaajidka waxa ay tiri “ Waxaan qabanaa hawlo ay ka mid tahay Qur’an aqris, waan tukanaa, waxaan ka caawiyaa ardada shaqada guriga ee looga soo dhiibay Iskuulka(Homework),” waxaan fursdadaasi ka faa’ideysta carruuta ay waalidkooda ku adagtahay luuqada Ingiriisiga, ayna luuqada ka hor istaagayso in ay carruurtooda ka caawiyaan shaqadii Iskuulka looga soo dhiibay(Homework)

Biftu waxa ay sidoo kale talo siisaa waalidiinta ka cabanayaa baqdin ay u qabaan carruurtooda in lagu dhibaateeyo xerashada xijaabka daraadiis, waxayna inta badan u sheegtaa in aysan wax baqdin ah ka qaadin xershada xijaaabka ayna ku nool yihiin wadan ay ku muujin karaa shucuurta, waxay hadalkeeda sii raacisay in ay barto gabdhaha yar yarka ah sidii ay nafsadooda kalsooni buuxda u gallin lahaayeen maadaama ay yihiin muslimiin ku dhexnool umad kale. Waxay hadalkeeda ku soo gabagabeysey Biftu Amin in ay sii wadi doonto gacan ay siinayso masaajidka si ay u sii wado dhiiragellinta ay u sameyneyso bulshada, gaar ahaan dhalinta Muslimiinta ah sidii ay ugu kalsoonaan lahaayeen nafsadooda iyo diintood, ayna u sii jeclaan lahaayeen diintooda, uguna gudbin lahaayeen adduunka intiisa kale.”