Madaxweyne Farmaajo oo Arrin uusan fileyn kala kulmaya Beelaha (AQRI)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa ku jahwareersan codsiyada iyo dalabyada is daba jooga ah oo kaga imaanaya Beelaha qaar.

Beelaha qaar ayaa ku cadaadinayaan Madaxweynaha in laga bedelo Wasaaradaha lagu qoray, halka qaarna ay dalbadeen in lasiiyo ballanqaadyo ay ku qancaan oo Wasiiru dowlayaal ay ku jiraan.

Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu Beelaha ka diiday inay la imaadan dalab ama shuruudo ku aadan in lasiiyo Wasaarad gaar loo cayimay taas oo madaxweynaha ka biyo diidan yahay.

Ma cadda sida uu xaalka noqon doono waxaana mar waliba laga cabsi qabaa in Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ay qaatan go’aan cusub waa haddii uu sii socdo dooda laga keenaayo hanaanka loo kala qeybsaday Kuraasta