Jawaari iyo Shariif Xasan oo ku loolamaya Golaha Wasiirada (Warbixin)

Jawaari-iyo-Shariif-xasan

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa culeysyo iyo cadaadis aan xad laheyn kala kulmaya Beellaha Hawiye iyo Digil iyo Mirifle oo ku saleysan xulidda xubnaha Wasiirada ka noqonaya Xukuumaddiisa, xilli Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Madaxweynaha Maamul goboleedka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ay ku wada loolamayaan in shakhsiyaad saaxiibo iyo qaraabo la ah ay ku yeeshaan Golaha Wasiirada cusub.