Boqoradda Ingiriiska Queen Elizabeth ayaa ku dhawaaqday iney deeq shaqsi ah ku taageereyso dadka abaaruhu ay ku saameeyeen Somalia

Boqoradda Ingiriiska Queen Elizabeth ayaa ku dhawaaqday iney deeq shaqsi ah ku taageereyso dadka abaaruhu ay ku saameeyeen Somalia.
Hadalka boqorada ayaa yimid ka dib markii Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain, Boris Johnson uu booqasho lama filaan ah ku yimid Somalia.

Afhayeenka Qasriga Boqortooyadda Ingiriiska ee Buckingham Palace ayaa xaqiijiyey inay Boqoradda Kaalmadeeda shaqsi ahaan ugu deeqayso Guddiga Gurmadka Masiibadda ee Bariga Afrika kaasoo gaarsiin doona Soomaalida u baahan.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain, Boris Johnson oo shalay booqasho ku yimid Somalia ayaa sheegay in dowladdiisa ay soo dedejin doonto 110 Milyan oo Gini oo ay ugu deeqday gurmadka abaaraha.

Boris Johnson ayaa waxaa kaloo uu sheegay in Britain ay kordhineyso taageerada dhanka mashaariicda horumarinta ah ee ay siiso dowlada Somalia.

Hadalkan ayuu ku dhawaaqay ka dib kulan uu la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaaajo oo xafiiskiisa ku qaabilay.