Boqaradda dalka Spain oo magacowday wasiir la yaab leh oo noociisa aan horey loo arag

Boqaradda dalka Spain ayaa magacowday Wasiirka Galmada oo hadda ka dib ka mid noqonaya xubnaha golaha wasiirada ee dalkaas.

Talaabada lagu magacaabay wasiirkan ayaa timid kaddib markii uu hoos u dhacay taranta iyo tirada dadka Spanishka ah.

haweenayda loo magacaabay wasiirka galmada oo shaqadeedu noqon doonto sidii ay dadka ugu qancin lahayd inay mashquul ku ahaadaan galmada.

Wasiiradan waxa laga filayaa in ay kor u qaaddo wax soo saarka tirade shacabka ee reer Spain, si ay carruur badan u dhalaan.

Khubarada arrimaha qoyska ee reer Isbain waxay sheegeen in dalkaas ay ku habsatay wax ay ugu yeereen macalluul dhanka galmada ah

Spain waa mid ka mid ah Yurub ugu dhaqaalaha badan, lagama jecla dalkaas qaadashada dadka soo galowga ah, waxayna hadda ay doonayaan in la xoojiyo guurka is oggol si loo helo jiil beddela dadka hadda nool.