Amar cusub oo lagu soo rogay Muwaadiniinta Maraykanka ee booqanaya dalalka Midowga Yurub

Baarlamanka Midowga Yurub ayaa dalbaday in muwaadiniinta Mareykanka lagu amro inay Visa ku soo galaan Yurub, iyadoo golaha Midowga Yurub laga dalbaday in tallaabadaasi uu dhaqan geliyo.

Haddii amarkaas uu meelmaro, qofkastoo haysta baasaboorka Mareykanka waxaa laga doonayaa inuu dalbado dal ku gal ama Visa uu ku tago Yurub.

Waxa uu baarlamaanka Mdiwoga Yurub meel mariyay qaraar amraya in go’aanka lagu meelmariyo laba bilood gudahood.

Go’aanka ayaa soo baxay markii la ogaaday in dalal ka mid ah Midowga Yurub aysan Maraykanka u safri karin Visa la’aan.

Muwaadiniinta shan dal oo Midowga Yurub ka mid ah ayaa laga rabaa dal ku gal marka ay tagayaan Mareykanka talaabadan ayaana u muuqata mid arintaas looga jawaabayo.

Dadka heysta baasaboorka Mareykanka ayaa amarkan ka hor waxay u kala safri jireen dhammaan dalalka ka tirsan Midowga Yurub Visa la’aan.